Sei sulla pagina 1di 5

Adolescent Development

Adolescent (13-16yrs of age) waa maxay qaangaadhnimo? Qaangaadhnimadu waa kalimad loo isticmaalo in ay qeexdo wakhtiga nolosha ee jidhku billaabayo in uu koro,sida isbedellada ku dhaca xubnaha taranka.Qaangaadhnimada waxaa sababa soo daynta hormoono u shaqeeya si dhambaal wadayaal xaagan.Dhambaalwadayaashaasi waxay awood uleeyihiin in ay kdhiirra galiyaan korriinka iyo isbedello faro badan oo ka dhaca jidhka.

Isbellada dhaca xilliga qaangaadhnimada


1.isbedel dhanka muuqaalka ah sida korrin deg deg ah,naasaha oo gabdhaha kobca iyo guska oo wiilasha waynaada. 2.isbedel dhanka maskaxda iyo fikirka ah taasoo sababta dhalinyartu in ay noqdaan kuwa caraysan,soo jeeda amdirira. Majro wakhti go an oo ay leedahay qaangaadhnimadu. Da da ay qaangaadhnimadu billaabato iyo dhakhsaha korriinku way ku kala duwanyihiin caruuruta. Gabdhaha badankood waxay billaabaan in ay qaangaaraan da da u dhaxaysa 8-13jir,celcelis ahaan 11jir. Gabdhaha ayaa aad uga dhakhsa badan wiilasha xagga qaangaadhnimada,iyagoo si buuxda ku qaangaara muddo 4sano gudohood marka laga billaabo xilligii ay billaabeen in ay qaangaadhnimada. Wiilashu waxay koraan waqti dambe marka loo eego gabdhaha.Habka korriinku badanaaba wuxuu qaataa waqti.Wiilasha badankood waxay billaabaan qaangaadhnimada da da u dhaxaysa 10-15jir,celcelis

ahaan 12jir.Wiilasha badankood waxay u buuxsantaa qaangaadhnimada 6sano gudohood marka laga billaabo xilligii ay billaabaan in ay qaangaaraan.

Ibedellada ku yimaada gabdhaha marka la joogo xilliga qaangaadhnimada


Marka laga hadlayo gabdhaha,ibedel muuqaaleedka dhaca inta lagu guda jiro qaangaadhnimada badanaa waxaa lagu arkaa marxalada kal duwan oo korriin ah.Waxaa jiri kara kala duwanaan udhaxaysa carruurta iyo dhallinyartab,sidaa darted waa in aadan ka walwalin haddii aad qaangaadho ka hor ama ka dib intuuna saaxiibkaa qaangaarin.

SOO KOOBIDDA MARXALADAHA QAANGAADHNIMADA GABDHAHA


Marxaladda diyaargaowga, waxaana ka mid ah korriinka xagga dhereka Isbedello kala duwan ayaa dhici kara laga bilaabo 8-12 sano waxaana isbadalo ku dhaca ibta naasaha, waxaana soobaxa timaha hoose . isla markaana iyadoo qaangaarnimado siisocoto naasuhu way way waynaadaan waxaana bilaabma caadada . tani waxay kuu diyaarinaysaa inaad caruur yeelato . Majiro waqti go an oo ay ku dhamaato qaangaarnimada laakiin gabdhaha badanaa waxay dhamaystaan marka ay gaaran 45-55 . ISBADALADA KU YIMAADA WIILASHA MARKA LA JOOGO XILIGA QAANGAARNIMADA Sidii gabdhaha aan ku aragnay, waqtiga korniinka wiilasho waa isku mid waa laga soo qaadankaraa celcelis ahaan maxaa yeelay wiilasha sidoo kale waxay mari karaan kala duwanaan xaga dada iyo koriinka . SUMARY AMA SOO KOOBID MARXALADAHA QANGARNIMADA WIILASHA .

Marxalada diyaar garawda waa koriinka xaga dhererka . isbadalo kala duwan ayaa dhici kara dada 12 halkaasoo oo ku dhoco isbadal qooraha (galka haraga aha oo xiniinyuhu ku jiraan ) iyo dhikilahana way waynaadaan oo casaadaan isla markaana qaradoodu waynaataa . waxaana kora timaha hoose . waxaa laga yaaba inaad aragtid naasaha oo xooga ku kora taasina waa caadi mana ahaan doonaan wax joogta aha . Waxaa laga yaabaa inaad argtid riyo habeenaad taasi oo aha biyo bax aadan khiyaar ulahayn intaad huritid , waa wax laga yaxyoxo laakiin run ahaan waa wax caadi aha . Haaad doonaysid inaad ka hortagto riyo habeenaadka inaad qoysid dharka sariirta waxaa kaa caawinkara adigoo xidha sarwaal hooseed ama nikis markaad seexanaysid . CODKA OO ISBADALA Majiraan waqti go an oo ay kudhamaato qaangaarnimado laakiin wiilasha badankood waxay dhamaystaan qaangaarnimada markay gaaraan 19 sano FINDOOB Inta lagu guda jiro qaangaarimado jirkaagu wuxuu aad udareemaa hormoonka layiraahdi testestron , kaasoo ayleeyihiin gabdhaha iyo wiilashaba . Testestron wuxuu sababaa qanjiro yar yar oo ku yaala haraga maqaarka si loo soo saaro saliid badan . Dubka dhinta wxuu kaloo xiri karaa afafka ay kasoo baxaan timaha . saliidaasi waxy ku samaysmi kartaa afafkii timaha ee xirnaa taasoo sababi karta blackheads ama whiteheads si loo koro . Isbadalada hormooneed waxy dhiiro galin siiyaan koriinka bakteeriyada . waxay kaloo bakteeriyado saamaynkartaa dulduleeladii xirnaa ee timaha ka soobaxayeen taasoo keenta infection qoto dheer sida finan ama nabaro malax leh .

Findoobaka dhaxdhaxaadka ah badanaa waa ladawynkaraa idoo loo isticmalayo kareemada dila bakteeriyada sida acnesole. Sikastaba ha ahaatee haday finankaagu aad udarnyihiin waa inaad aragtid khabiir caafimaad ama dhakhtar siduu kuu gu qoro jeermis dilayaasha laga qaato afka URTA JIRKA Inta lagu godo jiro qaangaarnimada jirka wuxuu ku yeeshaa qanjiro dhidid oo waayayn kilkilada hoostooda , naasaha iyo cawrada . qanjiradasi waxaa looyaqaana apocrine glands . Apocrine glands ku waxy soo daayaan dhidid ka jawaaba istereeska , shucuurta qiirada leh iyo sexual excitement . Xaaldaha qaar dhidika badni wuxuu sabaab ur sikstaba ha ahaatee labo jeer oo maalintii lamaydhaa iyo carfiso la isticmaalaa ayaa kaa caawinaya in laxidido urta . CAADADA Caadad gabdhuhu badnaaba waxy bilaabataa marka qaar inta udhaxysa 8-16 jir . sikastaba ha ahaatee badnkoodu waxy bilaabaan dada udhaxaysa 12-13 sano . caadadu waxay socon kartaa ilaa iyo xiliga dhalmogoyska . taasoo dhacada dada udhaxaysa 45-55 . maalmaha aad leedahay caadadda waxaa ku gu dhici kara ama waxaad isku arki kartaa calaamado badan oo kala aha 1. Naaso xanuun 2. Xanaq iyo caro 3. Dhabar xanuun 4. Finan ama barabaro 5. Murugo

Calamadahan waxaa la arkaa isla marka ay gabadha isku argot caadada . gabdho farabadan iyo dumar farabadan waxy yeeshaan xanuun, ama calool majiirid, dhabarka iyo vaginaha tani badnaa waxaa lagu qeexaa xanuunka caadada . adigoo isticmala pracitimol waxay kaa caawinkartaa inaad kabogsatid xanuunka caadada NAFAQADA Inta lagu gudo jiro qaan gaarnimada gacmaha iyo lugaha ayaa uhorkora si dagdag aha oo aan qofku dareemaynin . taasi waxay ka dhigantahay mararka qaarkood dhalinyaro farabadn ay dareemi karaan qalqaalinimo badan ilaa inta jirkoodu la qabsanayo . waxaa aad umuhiim aha in lahubiyo inaad haysatid caafimaad, cunto nafaqo leh iyo inaad kafogaatid cuntada hoos udhiga miisaanka ama tababarada hoos udhiga miisaanka jirka ilaa inaad koriinkaagu ka istaago .

Potrebbero piacerti anche