Sei sulla pagina 1di 9

Duulaankii SNM ku soo qaaday Hargeysa 31 May 1988Dagaalkii SNM ku soo qaaday gudaha dalka gaar ahaan magaalooyinka

Burco iyo Hargeysa wuxuu ka dhashay heshiis Jabuuti dhex-dhexaadisay oo dhex maray labadii talis ee Itoobiya iyo Soomaaliya, bishii April 1988kii. Heshiiskaas waxay labada talis ku heshiiyeen in midna midka kale jabhad ka soo horjeedda gacan siin. Ujeedada ugu weyn ee Kaligii-taliye Maxamed Siyaad Barre ka lahaa heshiiskaa waxay ahayd inuu ka takhaluso SNM oo ahayd jabhada keliya ee mucaaridka ahayd ka dib markii SSDF ay iskeed u burburtay. Itoobiya oo fulinaysa heshiiskaasi waxay SNM ka codsatay in ay ciidamadeeda 15km dib ugu soo rarto gudaha xadka Itoobiya. Arrintan oo micnaheedu ahaa inay SNM joojiso halgankii hubaysnaa ee ay kula jirtay Dawladii Siyaad Barre. Heshiishkani wuxuu taageerayaashii SNM ku noqday arrin naxdin leh iyo dhabana-hays. Waxaa hoos u dhacday rejadii shacabka, waxkastana waxay ka fisheen dhinaca guuldarada; werwerka, malo- awaalka iyo boholyowgu waxay ahaayeen kuwo wehel u ah dadkii ku noolaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee maanta loo yaqaan Somaliland. Dhanka kalena wuxuu heshiiskani Ururkii Dhaq-dhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM ku noqday laf dhuun mari weyday iyo laba daran mid dooro; inuu halgankii halkaa ku bakhtiyo iyo in dagaal is-miidaamin ah oo khamaarkiisa leh la qaado, waayo xoogga SNM iyo ka cadowgu wax isu dhigmayey ma ahayn. Hoggaankii sare ee SNM, Gudidii Fullinta, Golihii Dhexe, Taliskii Ciidamada, cuqaashii, aqoonyahankii iyo wax-garadkii SNM oo dhami waxay iskugu yimaadeen oo shir degdeg ku qabsadeen jiida hore ee dagaalka, meesha la yidhaahdo Dhoobo-guduud. Wakhtigu cidhiidhi buu ahaa waxaana loo dooyaystay shir aan loo kala seexan, wax welibana waxay u socdeen si dhakhso ah. Aakhirkiina waxaa arrinkii lagu soo gunaanaday GUUL ama GEERI iyo in dagaal la galo oo halgankii loo wareejiyo gudaha dalka. Waxaa SNM iyo taageerayaasheedii soo wajahay wakhti adag iyo xaalad aad u qalafsan.

Waxaa dul heehaabayay saldhigyadii ciidmada ee SNM daruurahii geerida iyadoo ay barbar socoto neecawdii xornimadu, waxaa la iska dhex doortay gudidii dagaal-gelinta oo dardar gelisa hawlaha diyaargarowga soona soo diyaarisa kaartadii dagaalka, waxayna kala ahaayeen:

1. Muj: Jaamac Cali Cilmi, Guddoomiye (Xoghayaha Gaashaandhiga ee SNM) 2. Muj: Maxamed Kaahin Axmed, (Taliyihii Saldhiga Gaashaamo) 3. Muj: Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi, (Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga SNM) 4. Muj: Xasan Yoonis Habane (Taliyihii Ciidamada SNM) 5. Muj: Cabdirisaaq Axmed Cali (Sarkaal sare ) Waxaa si degdeg ah loo dejiyay kaartadii dagaalka, waxaana jiidii dagaalka loo qaybiyay laba aag: Qaybtii Bari oo loo bixiyay Aagga Madiina kana koobnayd, Qaybta 1aad iyo Qaybta 2aad (Tawakal) iyo Qaybtii Galbeedka oo loo bixiyay Aagga Maka oo ka koobnayd guutooyinka Sayid Cali, Sayid Cumar, 20aad, Barkad, Sancaani iyo Guutada 5aad oo ku beegnayd Gabiley, taliyahooguna ahaa Muj: Mahdi Cali. Taariikdu markay ahayd 29 May ciidamo laga soo dheegay Sayid Cali iyo Barkhad oo uu hoggaaminayo Muj: Xuseen-dheere oo ahaa abaanduulihii Guutada Sayid Cali ayaa weeraray Cadaadley. Kadibna Guutadii Sayid Cali oo uu hoggaaminayo Muj: Maxamed Cali ayaa ka jabiyay Jeelka Mandheera dad fara badan oo ay ku jireen odayaal laga soo qabqabtay Hargeysa iyo Burco maalmihii SNM ay weerartay Burco. Ciidankii Hargeysa soo galay waxa markii hore lagu soo uruuriyay Kabo-qoray iyo Carraancarey. Kadibna waxaa la iskugu keenay meesha la yidhaahdo Bali-Samatar oo ahayd goobtii loogu talo galay in ciidanku ka soo duulo. Ciidankaas tiradoodu waxay ahayd ilaa 1,400 mujaahid oo niyadoodu iyo mooraalkoodu aad u sareeyo, Muj: Cabdiraxmaan Aw Cali oo arrintaa uga waramay Haatuf sannadkii 2003 wuxuu yidhi Markii aanu ka soo dhaqaaqaynay bartii dagaalka oo ahayd meesha la yidhaahdo Balli-samatar oo ah meel xuduudka saaran waxaad moodaysay inaanu aroos tegayno farxadda iyo rayn-raynta Ciidanka ka muuqatay.

Waxay ku soo baxeen ilaa 20-taneeyo baabuur oo xamuul ah. Qoryaha Tiknikaduna waxay ahaayeen ilaa 13 xabo oo kal ah:- 1 xabbo oo Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU (Lidka diyaaradaha) , 2 jiib, 1 Beebee, 1 SK43, 1BM21, 1 Baroon, 3 xabbo oo Grand B iyo 1 xabbo oo ah Anti-tank 57. Waxay Bali-Samatar ku tukadeen salaadii duhur iyo tii casar oo is-raacsan waxayna ka soo dhaqaaqeen goobtaas ilaa 1:30 duhurnimo taariikhdu markay ahayd 31 May 1988. Waxay soo mareen wado la yidhaahdo Tabotaxan. Muddo yar dabadeedna waxay ka soo gudbeen xadka iyagoo kaga soo dhacay wado qarda-jeex ah oo dhex marta kaymaha Sayla. Markay xadka ka gudbeen waxay ka dageen baabuurtii xamuulka ahaa muddo daqiiqado ayay dhulka joogeen. Halkii ayay ka sii amba-qaadeen socodkoodii, intii ay soo socdeen waxaa meelaha qaar lagaga soo tuuray madaafiic laakiin umay joojin ee waxay haybsadeen halkii ballantu ahayd iyo Hargeysa. Waxaa dul heehaabaysay diyaaradii dagaalka ee Faqashta. Waxay intii ay sii socdeen fooniyaha ka maqlayeen faqashtii ku wada hadlaysa Halkay ku soo beegan yihiin, waa ciidan intee leeg, soo daaya guddaha ha soo galaane Haseyeeshee casar-gaabkii markay cadceedu liiqa sii dhigaysayso ayay maqleen guux kaarayaal ka soo socda dhinaca Gadh-yogol oo ahaa ciidan faqash ah oo ku soo daba jiray. Haseyeeshee markay marayaan meesha la yidhaahdo Masalaha oo qiyaastii ilaa tobaneeyo KM koonfur ka xigta Magaalada Hargeysa, Salaadii Makhribna soo gashay ayay fooda is-dareen ciidan xooggan oo jid-goyn ah oo ku gaashaaman kaarayaasha gurguurta. Masalaha waxaa ciidankaa jid-goynta ah iyo ciidamadii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM ku dhexmaray dagaal qadhaadh oo gabalku iskula dhacay. Qorshaha Faqashtu wuxuu ahaa in halkaa lagu joojiyo ciidankii SNM dhabarkana lagaga yimaado. Muj: Ibraahim Dhegaweyne oo arrintaa Wargeyska Haatuf uga waramayna 2003 oo ku beegnayd sannadguuradii 15aad ee Gudo-galkii Hargeysa wuxuu yidhi ..waxaanu halkaa ku gaadhnay ilaa tobankii habeenimo, roob baa nagu daay, waxay noqotay habeen madow ah, is-gaadhsiin ma haysano, xagga hore iyo labada dhinacba ciidamo ayaa naga fadhiya, waxaana la doonayay inuu halkaa waagu noogu beryo oo inta nala hareereeyo gam nalaga siiyo Hadaba si arrintani aanay u dhicin ayaa saraakiishii militari ee SNM oo aqoon durugsan u lahaa xeesha dagaalka ee milatari halkaa ku dhaafeen laba urur oo ka tirsan Guutadii 20aad si ay ciidankaa uga takhalusaan islamarkaana jidgoyn ugu noqdaan dhabar-jebin kaga timaada ciidamadii Faqashta ee xadka

fadhiyay, halka labadii guuto ee kale (Sayid Cumar iyo Sancaani) iyo ururadii kale ee Guutadii 20aad hore ugu sii ruqaansadeen Hargeysa oo ahayd halkii yoolku ahaa. Waxay ka dageen baabuurtii xamuulka ahayd iyo tiknikadii waaweynayd oo waddo kale oo Xagal marta soo maray, ciidankiina waxay bilaabeen inay lug ku soo guureeyaan iyagoo gaboodsanaya gudcurkii habeenimo, riixanayana tiknikadii fududayd si aan guuxooda loo maqal. Waxay soo guureeyaanba waxay soo gaadheen qiyaastii 12:00 habeenimo meesha la yidhaahdo Sheekh Cumar oo ku taala cidhifka koonfureed ee Magaalada Hargeysa. Waxay halkaas ku nasteen muddo, Illaahayna ku baryeen inuu guusha ka siiyo. Waxaa la siiyay amarkii kama dambaysta ahaa ee inay galaan Hargeysa bar tilmaameedna ka dhigtaan xarumaha Ciidamada Faqashta. Saacada Afrikada Bari markay 2:30 arroornimo waxay soo gaadheen Xaafada Isha-Boorame, oo uu ku yaalo Taliskii Qaybta 26aad ee Ciidankii Faqashka (oo imika ah Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland), waxaa Taliska Qaybta dhawr boqol oo mitir waqooyi ka xiga Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Ciidanka Bilayska iyo Miiska Saraakiisha oo galbeed kaga beegan. Waxaa il-qabatin isku jira Ciidamadii xaq-u-dirirka ee SNM oo dhaarsan, wacad-na ku marsan Guul ama Geeri iyo Ciidankii Faqashta ee Gaaska 2aad ee Qaybtii 26 aad oo u sii diyaar-garoobay difaac-na kaga jira dhufaysyadoodii kana kooban:- Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guuto 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guuto 87-aad oo fadhigeedu ahaa Bali-Shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaa fadhiisimooyinka Guutooyinka oo dhan. Gaaska 2aad waxa taageerayey Urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo Hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kale oo kayd xoojin ah u ahaa 6 Baabuur oo BM13 ah, 3 Baabuur oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaa 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne, Ciidamadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Urur Daraawiish ah, Urur Koofiyad Cas ah, Urur Miinada ah, Urur Isgaadhsiin ah, Urur Saadka ah, Ururka Dhismaha, Hurinta warshadaha kabista, Cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masalaha, Waraabe Salaan, iyo Berbera. Waxa kale oo kayd ahaan u diyaarsanaa Ciidanka Circa oo haystay 3

diyaaradood oo hawl gal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf Waraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay Tikniko ka koobnayd 23 Beebee iyo 24 Madfac (106).

Ciidamadii SNM oo gadoodsani waxay ugu horeyntiiba guluf ku qaadeen Taliskii Qaybta 26aad ee Faqashta. Markay u jiraan Taliskii Qaybta ilaa kiilomitirna waxa ku bilaabantay rasaastii Faqashta waxaana sidaa ku bilaabmay Dagaalkii Hargeysa. Habeenkaa waxaa dhacay dagaal aad u foolxun oo maryo dhiig leh la kala furtay. Waxaa magaalada afarteeda dacal gilgilay gariirka iyo dayaanka hubkii ka dhacayay qoryaha noocyadiisa kala duwan oo la isugu addeegsanayay si arxan-daro ah oo aan kala go lahayn iyadoo rasaasta ka dhacda boobayaasha fudud-na la iskugu afuufay sida dhibicda roobka. Waxaa cirka iftiimiyay hilaacii iyo ololkii ka baxayay qoryaha waaweyn iyo iftiinkii rasaasta, Waxaa meelaha qaarkood waxa cirka isku shareeray qiiq ka baxayay goobihii la isku faro-saaray, iyadoo hawadu saaqantay oo baaruudu ka uraysay. Waxay ciidamadii SNM habeenkaa mireen oo cagta mariyeen Gaaskii 2aad ee ciidamadiii Faqashta iyagoo qabsaday Taliskii Qaybta, Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Booliiska, Miiska Saraakiisha iyo Wershadii Laydhka. Gen. Morgan iyo saraakiishiisii oo argagaxsana waxay u baxsadeen Madaarka Hargeysa. Waxaa Hargeysa ku soo qulqulayay Gaaskii 1aad ee Qaybtii 26aad ee Ciidankii Faqashta oo ka soo gurmaday Gabiley iyo Boorame. Waxaa dhacay habqan dagaal oo waxaa isku milmay oo la kala garan waayay faqashtii iyo SNM-tii. Hiirtii waaberi markii ruux iyo geed la kala gartay dagaalyahaniintii SNM waxay bilaabeen inay u soo gudbaan dhanka waqooyi ee magaalada iyagoo koox-koox u socda, markay ka soo talaabeen Dooxa Hargeysa dhinaciisa Shacabka waxay dooxa qarkiisa kula kulmeen ciidankii gurmadka ahaa.

Waxaa goobtaa ka dhacay dagaal culus oo jilbaha la is-dhigay oo ciidamadii

SNM askaxa ka dhigeen ciidankaas. Qiyaastii 6:30 aroornimo waxa istaagtay rasaastii, ciidamadii SNM waxay bilaabeen inay u soo talaabaan dhinaca waqooyi ee magaalada iyagoo sii dhexmaray Xaafadaha Goljano iyo Xero Awr, waxayna isku urursadeen oo difaac ka galeen Idaacada dabadeeda iyo Xaafada Xawaadle. Dhanka kale Dadweynahii Reer Hargeysa ayaa habeenkii oo dhan joog iyo jiif qaban la aa saamalayl-na ku dheg-taagayay iyagoo sugi kari la iftiinka waaga si ay indhahooda ugu arkaan sida xaalku yahay. Subaxnimadii qiyaastii ilaa 6:30 subaxnimo waxay Reer Hargeysa ku waabariisteen oo ay indhahoodu markii ugu horeysay qabteen ciidamadii SNM oo dhalinyaro dadoodu ka yar tahay 25 jir u badan oo koox- koox u socda kuna labisan isku-goojyo shiingay (jiinis) ah oo midabkoodu yahay cirkoo kale (light blue) iyo dirayska loo yaqaan qabaleega oo midabkoodu ahaa cagaar madow. Waxaa ka dhex muuqday saraakiishoodii oo timaha gadhka la baxay islamarkaana xidhnaa koodhadh midabkoodu ahaa a cagaar madow xiga, madaxana ku duubnaa cumaamado midabkoodu ahaa casaan iyo cadaan isku jira iyo madow iyo cadaan. Waxay dadaweynihii Reer Hargeysa ku soo dhaween Ciidankii SNM farxad iyo gacmo furan. Dumarku waxay kula yaaceen raashin iyo cunto xitaa waxaa dhacday in dumar qiiraysani ay askartii Faqashta ee Idaacada joogtay ay raashin u geeyeen iyagoo u haysta SNM. Waxaa ciidamadii SNM ku biiray kumanaan ka tirsanaa dhalintii Reer Hargeysa Waxay dhalintaa iyo dadweynihiiba jareen wadooyinkii ay is lahaayeen waxaa soo mari doona Faqashta gaar ahaan kuwii u dhawaa goobihii SNM fadhiisinka ka dhigatay. Hooyo Idin Kala Garan Maynee Guulaysta ayaa noqotay odhaah caan baxday oo ka hadhay qaar ka mid ah dumarkii waayeelka ahaa oo ay ku adkaatay inay kala gartaan SNM iyo askarta faqashta. Ciidamada SNM waxay ku hubaysnaayeen qoriga noociisu yahay AK47 oo candho- laab ah, SNM-tu u taqaanay Nuur-madoobe. Waxaa laabta u sudhnaa booshash ay ku jireen saddex qasnadood ama naas oo rasaas kayd ah iyo bambada gacanta laga tuuro nooca loo yaqaan F1. Buraashado biyo ah iyo baco ay ku jirtaan sahaydii (sabaayad) waxay u sudhnaayeen sinta (misigta). Qaarkood waxa kale oo ay sideen qori loo yaqaanay Law oo ahaa lidka

taangiyada, kooxdiiba waxaa la socday dagaalyahano ku jeeni-qaaran silsilada qoriga darandooriga u dhaca ee loo yaqaano PKM halka qaar kalena oo ku gaashaanaayeen qoriga beebee-ga la iskaga celiyo ee baasuukaha oo rasaastiisana tuurta ku sitay. Ciidankaas SNM ee soo hujuumay Hargeysa 31 May 1988 wuxuu ka koobnaa guutooyinka Sayid Cumar, 20aad iyo Sancaani oo ka mid ahaa Qaybtii Galbeed ee loo yaqaanay Aagga Maka oo taliskooda sare u dhisnaa sidan:

Muj: Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Taliyaha Aagga Muj: Maxamed Axmed Ibraahim (Dayib-gurey), Abaanduulaha Aagga Muj: Cabdillaahi Askar, Taliyaha Hawlgelinta Aagga Saraakiisha kale ee ciidanka hoggaaminaysay waxa ka mid ahaa:Muj: Muuse Biixi, Muj: Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Muj: Aadan Dhamac oo ahaa Taliyaha madaafiicda, Muj: Cabdiraxmaan Axmed Xirsi (Xuunsho), Muj: Axmed Weyso-cadde iyo saraakiil kale. Waxaa Hargeysa sii joogay koox sahan oo ka kooban 18 xubnood oo ay hoggaaminayeen Muj: Maxamed Xasan (Gacma-dheere) iyo Muj: Cali Gurey. Guutada Sayid Cumar waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:-

1. Muj: Maxamed Cilmi Samatar, Taliye 2. Muj: Maxamed Xasan (Gacma-dheere), Abaanduule 3. Muj: Falastiini, Taliyaha Ururka 1aad 4. Muj: Cabdiraxiim Maxamed (Bidhiidh), Taliyaha Ururka 2aad 5. Muj: Maxamuud Abu-raas, Taliyaha Ururka 3aad

Guutada 20aad waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:1. Muj: Axmed Dhagax, Taliye

2. Muj: C/kariim Xaashi Cilmi, Taliye-xigeen 3. Muj: Yoonis Cali Aadan, Abaanduule

Taliye ururo iyo taliye unugyo waxaa ka ahaa mujaahidiinta ay ka midka ahaayeen:Muj: Axmed-aakhiro, Muj: Cumar Iska-yimid, Muj: C/risaaq Daahir Dhidar (Beelo-guba), Muj: Maxamed-Dhako, Muj: Xuseen Cabdi Weerar, Muj: Rashiid-burur iyo Muj: Axmed Shire Guud-cadde.

Guutada 20aad waxaa la aasaasay sannadkii 1987 waxaana laga aasaasay ciidamadan:1aad oo fadhigoodu ahaa Qudhac -raamaale, 3aad oo saldhigoodu ahaa Dibiile, 5aad iyo 6aad oo ka soo baxay Dugsigii Tababarka ee Qabri-bayax.

Guutada Sancaani oo ay hoggaaminayeen mujaahidiinta kala ah:1. Muj: Weerar/ Muj: Aadan Cadde, Taliye (Muj: Weerar wuxuu dhintay habeenkii ugu horeeyay waxaana kala wareegay Muj: Aadan Cadde) 2. Muj: Maxamuud Haybe, Abaanduule 3. Muj: Maxamed Ibrahim (Ina Qayliya) Taliyaha Ururka 1aad 4. Muj: Maxamed Gahayr, Taliyaha Ururka 2aad 5.Muj: Maxamed Koosaar, Taliyaha Ururka 3aad 6. Muj: Axmed Garow, Taliyaha Ururka 4aad

SNW waxay Hargeysa ku jiray laba bilood, Inta badan xadku wuxuu ku ekaa laamiga dheer ee dhanka waqooyi ka mara Cisbitaalka Guud ee Hargeysa min galbeed ilaa bari marka laga reebo Xabsiga Dhexe oo Faqashtu haysatay. SNM waxay haysatay qayta waqooyi ee Magaalada Hargeysa halka Faqashtuna joogtay qaybta koonfureed ee magaalada. Waxaa halkaa ku geeriyoodin boqolaal ka mid ah dagaalyahanadii SNM iyagoo dhagta dhiiga u daray kumanaan ka tirsan ciidankii faqashta. Mujaahidiinta Dagaalka Hargeysa ku dhimatay waxaa ka mid ahaa:Muj: Maxamed Xasan Gacma-dheere oo geeriyooday 26/06/1988, Muj: Axmed-dhagax, Muj: Maxamuud Haybe, Muj: Weerar, Muj: Yoonis Cali Aadan, dhamaan saddexdii taliye urur ee Guutada Sayid Cumar iyo inta badan taliyayaadhii ururada & unugyada ee dhamaan guutooyinkii SNM ee ka dagaalamay Hargeysa ee Sayid Cali, 20aad, Sancaani iyo Barkhad.Xooggagii Xaq-u-dirirka ee SNM oo isku abaabulaya dagaa

Potrebbero piacerti anche